Arbaco 25 june 2025 {HMC} Isbaheysiga Nato ayaa isku raacay in ay sare u qaadaan kharashaadkooda difaaca iyo maalgashiga amniga la xiriiro boqolkiiba shan wax soosaarkooda dhaqaalle tobanka sano ee soo socda.
Dalabka muhiimka ah ee madaxweyne Trump ayaa lagu ansixiyay shir madaxeedkii hoggaamiyeyaasha ee Nederland. Mar sii horeysay, xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa sheegay in tallabadaasi ay noqon doonto “isbeddal” — taasoo ka dhigaysa isbahaysiga mid xooggan, cadaalad ah, oo xoog badan.
Waxa uu sheegay in Maraykanku uu qaaday culays aad u badan oo ah difaaca wadajirka ah muddo aad u dheer.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax hadal ah oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee dagaalka uu ka wado Ukraine, kaas oo dbilowday sanad ka hor.
Hogaamiyayaasha Nato waxay mar kale xaqiijiyeen “sida ay uga go’an tahay difaaca wadajirka ah” – Qodobka shanaad ee dammaanad qaadka amniga wadajirka ah haddii xubin ka mid ah la weeraro.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar sii horeysay u muuqday inuu su’aalo ka keenay dammaanad qaadka amniga, isagoo tixraacaya “Qeexitaanno kala duwan oo ku saabsan qoddobka shanaad”. Laakiin Trump ayaa yiri shir madaxeedka ka dib: “Waxaan garab taaganahay [qodobka shanaad], waa sababta aan halkan u imid.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar sii horeysay u muuqday inuu su’aalo ka keenay dammaanad qaadka amniga, isagoo tixraacaya “Qeexitaanno kala duwan oo ku saabsan qodobka shanaad”. Laakiin Trump wuxuu yiri shir madaxeedka ka dib: “Waxaan garab taaganahay [qodobka shanaad], waa sababta aan halkan u imid.”






