spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Soomaaliya oo ka Qeeybgashay Shirka Anshaxa Garaadka Macmalka oo lagu Qabtay wadanka...

Soomaaliya oo ka Qeeybgashay Shirka Anshaxa Garaadka Macmalka oo lagu Qabtay wadanka Thailand

0
20

Sabti 28 june 2025 {HMC}  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Axmed Cusmaan Diiriye ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay magaalada Bangkok ee wadanka Thailand, intii u dhexeysay 24–27 Juun 2025.

Mudane Axmed Cusmaan Diiriye Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS ayaa dhanka kale ka qaybgalay doodo kala duwan oo lagu soo bandhigay madasha oo ay ka mid ahayd “Ministerial Dialogue on International Cooperation on AI”, taas oo ay ka qeyb galeen in ka badan 20 wasiir oo ka kala yimid dalal kala duwan, waxaana Doodda si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga caalamiga ah ee lagu hagaajinayo maamulka iyo anshaxa teknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah (AI).

Wasiiru dowlaha oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo u dhaxaysa 2025–2029.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Inay socdaan sharciyo muhiim ah oo dhanka tiknoolajiyadda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Dhowrista Xogta, Xeerka E-Transaction-ka iyo Xeerka Amniga Sheybaar-ka, Iyo in dalka uu bilaabay dhismaha xafiis u gaar ah oo u xil saaran arrimaha la xiriira AI, si loo helo siyaasad sugan oo waafaqsan horumarka dunida.

Wasiir Axmed Cusmaan ayaa ka qaybgalay dood kale oo lagu falanqeeyey habka ugu habboon ee dalalku u sameyn karaan qiimeyn ku saabsan heerka isticmaalka AI-da, iyagoo raacaya habraaca ay dejisay UNESCO.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Axmed Cusmaan Diiriye ayaa ka mahadceliyey in Soomaaliya ay ka mid noqotay waddamada cusub ee la siiyey fursad lagu cabbiro heerka ay ka taagantahay diyaar-garowga maamulka ee la xiriira Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence).

Shirka wuxuu fursad weyn u ahaa Soomaaliya, si ay u xoojiso xiriirka caalamiga ah una hesho taageero farsamo, una qayb qaadato go’aannada caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here