spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Midawga Africa oo Xil u Magacaaway RW Hore Cabdiwali Cali Gaas

Midawga Africa oo Xil u Magacaaway RW Hore Cabdiwali Cali Gaas

0
37

Axad, 29 June 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Midowga Afirika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Cabdiwali Cali Gaas u magacaabay Ergayga u qaabilsanaan doona dalka Koofurta Suudaan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Cabdiwali Cali Gaas uu ka shaqeyn doono howlaha nabadeynta dalkaasi iyo xallinta khilaafadka taagan.

Cabdiwali Cali Gaas ayaa hore u soo noqday Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland.

Hadda wuxuu guddoomiye u noqon doona Ergada Jubba ee ku dhex jira dhinacyada isku haya Siyaasadda dalka Koofurta Suudaan.

Tillaabadan ayaa ka dhigan in Soomaaliya door ka qaadaneyso xallinta khilaafadka ka jira dunida gaar ahaan kuwa Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here