spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxaa Kasoo Kordhay Xiisada Biya xireenka Webiga Nile

Maxaa Kasoo Kordhay Xiisada Biya xireenka Webiga Nile

0
34

Axad, 06 Jully 2025 {HMC} Xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay in la dhammeystiray Biyo xireenka ay ka dhalinayaan Korontada ayaa waxaa tillaabadaasi walaac ka muujiyay dalalka dariska la ah ee Masar iyo Suudaan.

Biyo xireenkan oo ku yaalla Webiga Nile ayaa la billaabay sannadkii 2011, iyada oo ay ku baxday in ka badan 4 bilyan oo Dollar, wuxuuna noqon doona mashruuca koronto-dhalinta ee ugu weyn ee Afrika.

Dalalka Masar iyo Suudaan oo horeba diidana biyo-xreenka ayaa haddana muujinaya khataraha ay la kulmi karaan. Masar oo wax ka badan 90 boqolkiiba dadkeeda ku tiirsan yihiin biyaha Nile ayaa sheegtay in aysan ogolaaneyn wax kasta oo ka hor imaanaya danaha dadkeeda.

Madaxda Masar iyo Suudaan oo kulmay ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo hal dhinac qaado sababi karto khatar iyo colaad hor leh.

Khilaafka Biyo xireenka ee u dhaxeeya Masar, Itoobiyo iyo Suudaan ayaa saameyn kara dalalka gobolka oo ay ugu horreyso Soomaaliya.

Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa tilmaamaya in Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaadato go’aanno adag, iyada oo isku miisaameyso xiriirka ay la leedahay labada dal ee Itoobiya iyo Masar.

Marka la eego labada dal, Itoobiya ayaa Soomaaliya la leh xuduudka ugu dheer, iyada oo saameyn toos iyo mid dadban ku leh gudaha dalka gaar ahaan dhinaca Amniga, waxaana dalka ku sugan ciidamo hoos yimaada howlgalka AUSSOM.

Dhinaca Masar, waa dal carbeed iyo saaxiib taariikhi ah, iyaga oo Soomaaliya ka caawiya dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tagey dalka Masar, isaga oo dhigiisa dalkaasi, Cabdifitaax Alsiisi kala hadli doona xaaladda gobolka iyo Ciidanka Masaarida ee la filayo in ay yimaadan gudaha Soomaaliya. Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya heshiis dhinaca difaaca ah oo dhigaya in ay dalka yimaadan 10 kun oo ciidan Masaari ah, kaasi oo la saxiixay bishii Agoosto ee sannadkii 2024.

Itoobiya ayaa si adag u diidan ciidamada Masaarida ee imaanaya dalka, sida uu sheegay Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Marshal Berhanu Jula, dhaqdhaqaaqyadaasi ku tilmaamay kuwo khatar ku ah Amnigooda.

Xiisadda soo cusboonaatay ee Biyo-xireenka Nile ayaa markale sababi karta in Somaaliya khilaaf siyaasdeed dhexda ka gasho, haddii aysan ka fiirsan tillaabooyinka la qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here