Talaado , 08 Jully 2025 {HMC} Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa isku mowqif ka noqday dadaallada ka socda gobollada Sool iyo Sanaag ee dhismaha SSC Khaatumo.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay hurineyso colaada gobolka Sanaag, wuxuuna ugu baaqay in la ilaaliyo deegaannada xuduudka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xiran tuutaha ciidanka ayaa farriin adag u diray SSC Khaatumo, isaga oo ugu baaqay in ay ku ekaadan deegaannada ay maamulaan.
“Haddaad goosateen in aad maamul gaar ah noqotaan, halkiina ha soo dhaafina, dadka Sanaag iyo Highland taladooda Puntland ayay taalla, joojiya faragalin, haddii kale wax aan idinka iyo annaga na kala geyn baad la kulmi doontaan” Madaxweyne Deni
Puntland iyo Somaliland ayaa diidan dhismaha maamulka SSC Khaatumo, gaar ahaan in ay ku biiraan deegaannada gobolka Sanaag.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay guddi ka kooban 8 ruux oo dhammeystiri doona dowlad goboleedka SSC Khaatumo.
Waxaa xigay in ay dhaqdhaaqyo ka billaawdeen gobolka Sanaag, iyada Maamulka SSC Khaatumo muujiyay in ay soo dhaweynayaan cidii wax ku darsaneysa gaar ahaan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Tillaabooyinka ayaa ku soo aadaya xilli 10 bishaan magaalada Laascaanood ka furmi doono shir wada tashi ah oo ay leeyihiin Bulshada deggan gobollada Sool iyo Sanaag.



