spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Itoobiya oo Qaramada Midoobay u Gudbisay Dacwad ka dhan Eritrea

Itoobiya oo Qaramada Midoobay u Gudbisay Dacwad ka dhan Eritrea

0
26

Khamiis July, 10 2025 {HMC} Itoobiya ayaa Qaramada Midoobay u gudbisay eedayn ku saabsan wararka sheegaya in ciidamada Eritrea ay wali maamulaan degaannada ku teedsan xuduudka Itoobiya, isla markaana ay sii socdaan xadgudubyada halista ah.

Danjire Tsegab Kbebew, oo ah wakiilka Itoobiya ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay “in ay wali soo baxayaan warbixinada ku saabsan xad-gudubyada xun ee ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacaya xuduudaha.”

Danjire Tsegab ayaa hadalkan jeediyay ka hor inta aysan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay u codeyn in muddo kordhin loo sameeyo Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Eritrea.

Eriteriya ayaa dhankeeda iska fogeysay dhaleeceynta Safiirka, iyadoo sheegtay in ay ku xaddidan tahay xudduudaheeda caalamku aqoonsan yahay. Danjire Tsega Ab ayaa sheegay in tillaabooyinka ay qaadayso Eritrea aysan ahayn oo kaliya in ay dhaawaceyso xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka, balse ay sidoo kale “khatar toos ah ku yihiin Itoobiya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here