Soomaaliya oo guul ka gaartay dalalka Afrika, billadna la guddoonsiiyay

0
20

Khamiis July, 10 2025 {HMC}Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale soo hoysay guul wayn oo lagu siiyay billad muhiim ah, kadib munaasabad ka dhacday magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Billada ayaa waxaa la siiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadd Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku guuleystay Wasiirka Maaliyadda Afrika ugu wanaagsan sanadkan 2025.

โ€œWasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa lagu maanta la guddoonsiiyay billadda ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“-๐ค๐š kadib xaflad ka dhacday maanta Londonโ€ ayaa lau yiri qoraal kasoo baxay Dawladda.

Sidoo kale waxaa lagu qiimeeyay casriyeynta uu ku sameeyay hannaanka dakhliga oo sahlay in Dakhliga gudahu koboc sameeyo, Qorshihii deyn cafinta kadib, doorka hogaamineed ee uu ka qaatay dedaalada dib-u-hababaynta hayโ€™adaha Maaliyadda ee Caalamiga oo Dowladda Soomaaliya u horseeday in ay ka baaqsato Daymo cusub, heshana maalgalin deeq ku dhisan.

Is bedelkan Soomaaliya hormuudka ka hayd ayaa dalal kale u horseeday in ay maraan dhabbaha Soomaaliya ay jeexday helaanna macaamilaad maaliyadeed oo deeq ku dhisan.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in guusha saxda ah iyo abaalmarintaba ay mutaysteen shacabka Soomaaliyeed oo ah laf-dhabarka horumarinta dhaqaalaha iyo soo kabashada dalka, halkaasna uu kasii wadi doono.

Waxaa kale oo uu ku amaanay ganacsatada Soomaaliyeed habka ay ugu dhiiran yihiin dib-u-dhiska dalka iyada oo ay jiraan caqabado badan oo haysta.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneysa isbeddallo waaway, iyada oo wacdaro ka dhigeysa fagaareyaasha caalamka, marka loo eego diblumaasiyadda cusub iyo dadaalka ay la timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here