Khamiis July, 10 2025 {HMC} Madaxweynaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la qaatay wefdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mud. Cabdillaahi Cali Xirsi, ayna qayb ka yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Tamarta iyo Biyaha, Xildhibaano iyo Masu’uuliyiin kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Maaraynta kala-guurka iyo qabashada Shirweynaha dhamaystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.



