Khamiis 10 july 2025 {HMC} Inaad ogaato cidda ku garab istaagta marka aad u baahan tahay garab—taasi waa mid ka mid ah qiimaha ugu weyn ee bani’aadamku isku leeyahay.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDS), Mudane Mustafa Muxumed Cumar, iyo shacabka deegaanku, waxay muujiyeen tusaale lama ilaawaan ah oo ku saabsan walaaltinimo, derisnimo iyo gobannimada Soomaaliyeed.
Taariikhda ayaa xusi doonta sida geesinimada iyo damiirka bani’aadamnimo leh oo ay garab istaageen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka Hiiraan, kuwaasoo aan helin taageero muuqata oo ka timaada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Reer Hiiraan Waxay Noqdeen Dhibanayaal La Hilmaamay
Hiiraan waa mid ka mid ah gobollada taariikhda ku leh xiriyadda Soomaaliya, oo ah ka soo baxeen inta badan labeenta dadka Soomaaliyeed,lehna dad geesiyaal ah oo halganka caan ku ah, wax-soosaar, iyo weliba difaaca dalka.
Laakiin nasiib darrada taagan waxay tahay in dadkii gobolkaas u dhashay ay hadda wajahaan xaalado aad u adag oo ay sabab u yihiin colaadaha, abaaraha, fatahaadaha is-daba-joog ah, iyo dayacaad ka timid dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Waxaa lala yaabay sida shacabka reer Hiiraan—oo ah dad Soomaaliyeed oo muwaadiniin ah oo dagaalamayay ku dhawaad saddex sano ay u waayeen taageero qaran oo lagu garab istaago, xilli ay wajahaan dhibta ugu daran ee taariikhdooda casriga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa la filayay inay noqoto hooyada ummadda, mid si siman u matasha dhammaan gobollada dalka. Waxaa laga rabay inay la timaaddo qorsheyaal gurmad degdeg ah, inay masuuliyadda qaaddo, oo ay si daacadnimo leh ugu dhaqanto ballanqaadyadii dastuuriga ahaa ee ilaalinta muwaadiniinta.
Si kastaba ha ahaatee dadka reer Hiiraan waxay dareemeen dad la hilmaamay oo aanan helin waxyaabihii ay u baahnaayeen islamarkaana lagu dulmiyey qaranimadii dalka, codkoodii la dhageysan oo, xaaladda ah ku jiraan la iska indho-tiray.
Dhanka kale, markii uu ka bilowday dagaalka gobolka dowladda Soomaaliya waxay qaadatay kaalinteedii hayeeshee waxay waxkasta isbedaleen markii joogaankii halganka xilka laga qaaday, taasina waxay keentay ama sababtay arrinta cakiran ee maanta ka taagan gobolka.
Waxaa iminka taagan su’aalo aan weli laga helin jawaabtooda: Maxay tahay sababta loo garab istaagi waayay reer Hiiraan? Maxaa xanibay gurmadkii? Maxaa DFS uga aamustay baaqyadii ka imaanayey bulshada gobolka Hiiraan? Aayway siyaasiyiinta gobolka iyo waxgaradkii?
Haddaba waxaa ayaan darro ah in gurmadkii laga rabay DFS ay meesha ka baxday, balse taas bedelkeeda ayaa maamulka dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya u soo goormadeen reer Hiiraan. Tilaabadan ayaa waxaa ka dambeeyey Madaxweyne Cagjar isagoo gudanaya qaddiyadda guud ee Soomaalinimada islamarkaana qaatay go’aan taariikhi ah, taasoo ay ku dheehan tahay walaaltinimo iyo damiir Soomaaliyeed.
Waxaa jiray erayo madaxweynuhu yiri oo dad badan qalbigooda taabtay: “Reer DDS iyo reer Hiiraan waa hal dad. Waxaa na kala saaray xuduud siyaasadeed, balse ma kala saari karo dhiigga, diinta, dhaqanka, iyo dareenka.”
Taariikh ahaan, DDS iyo Hiiraan waa labo dhinac oo isku dhafan. Waxaa jira qoysas isku baahsan labada dhinac. Waxaa jira ganacsiyo, waxbarasho, iyo is-dhexgal bulsho oo aan la joojin karin.
Tallaabada DDS waxay ahayd digniin iyo tusaale. Waa dareen ka yimid shacab dareen leh, madax damiir leh, iyo deegaan walaaltinimo lagu dhisay. Waa tusaale muujinaya in ummaddu aysan ku dhisnayn magaca dowlad, balse ay ku dhisan tahay is-aaminaad iyo is-garab istaag toos ah.
Ma aha markii ugu horeysay oo reer DDS u soo gurmadeen walaalahooda reer Hiiraan ee waxaa jira marar kale oo ay gurmad la soo gaareen dadka reer Hiiraan.
Tusaalaha DDS wuxuu noqday cashar qaran. Waxaa si toos ah ama si dadbanba uga sheegayey gurmadka walaalahaa DDS dhammaan ummadda Soomaaliyeed kuwooda ku asteysan muwaadinimada dhabta ah.
Madaxweyne Mustaf Cagjar wuxuu sidoo kale baray bulshada Soomaaliyeed in ay is-garab istaagaan, xitaa haddii dowladdu aysan la imaan doorkeedii.
Waxaa la oran karaa: DDS ma aysan sugayn in la waco ee waxay si xil kasnimo leh ugu soo gurmadeen dad walaalahood ah.
Maamulka iyo shacabka DDS waxay muujiseen Soomaalinimo dhab ah, taasoo taariikhda ka geli doonto baal dahab ah oo ku qornaan doonta qalbiyada reer Hiiraan iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Gunaanad: Anigoo ah Axmedsaadaq, ahna qoraaga faalladan waxaa idin leeyahay waad mahadsan tihiin maadaama garab istaagiina, waxay ahayd samato bixin. Ma ahayn kaliya gargaar, waxay ahayd farriin toos ah oo lagu xasuusinayo in Soomaalinimadu wali jirto. Waxaad tihiin geesiyaal. Waad tihiin astaan Soomaaliyeed.
Qore: Saxafi Sare Axmedsaadaq Yuusuf



