Gabar dacwad ku soo oogeysa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

0
38

Khamiis 10 july 2025 {HMC} Gabar ka soo baxsatay Kuuriyada Waqooyi ayaa dacwad madani ah iyo mid dambiyeed ku soo oogtay hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un oo lagu eedeeyay xad-gudubyo ay la kulantay intii ay ku xidhnayd dalkaas.

Choi Min-kyung ayaa Waqooyiga Kuuriya ayaa ka soo qaxday iyada oo timi Shiinaha 1997-dii balse si qasab ah ayaa dib loogu celiyay 2008-dii, waxayna sheegtay in loo geystay xadgudub galmo iyo jirdil kadib markii ay soo laabatay.

Marka ay kiiska ka gudbiso Seoul jimcaha, waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee qof ka soo goostay Kuuriyada Waqooyi uu tallaabo sharci ah ka qaado nidaamka, ayay tiri koox xuquuqda u dooda oo fadhigeedu yahay Koonfurta oo caawiya Ms Choi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here