Isniin July 21, 2025 {HMC}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid in ay dhoolatus dhinaca badda ah la sameyso dalalka ciidamada heegaanka ah ee Bariga Afrika.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay walaac ka muujisay dhoolatus la qorsheeyay in ay wada sameeyaan dalalka Ciidamada heeganka Bariga Afrika.
Wasiir Fiqi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Soomaaliya aysan dhoolatus aysan qeyb ka noqoneyn dhoolatuskaasi.
‘’Waxaan u sheegnay in dowladaha badda leh, ay ka qeyb kali karaan, arrintan, biyaha Soomaliya waxaa dhola tus ku sameen karaan dowladaha bad leh’’ ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in marnaba Soomaaliya aysan dhoolatus bad la sameynayn dal aan bad laheyn, biyaha Soomaaliyana uusan gali larin.
Dalaka bariga Afrika ayaa ka kooban lix wadan oo kala ah Soomaaliya, Kenya, Ruwanda, Koofurta Suudaan, Uganda, Itoobiya.
Soomaaliya iyo Kenya oo kaliya ayaa leh bad dalalkan ku mideysan wadamada ciidamada heegaanka ah ee Bariga Afrika.



