Maxaa Ka Jiro in Mar Kalo Soomaaliyo la Saarayo Cunaqateenka Hubka?

0
50

Arbaco 23 July 2025 {HMC} Bishii Diseembar 2023, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u qaaday cunaqabateentii hubka ee Soomaaliya saarneyd tan iyo 1992, tillaabadaasi oo Dowladda Federaalka siisay fursad ay si toos ah uga soo dhoofsan karto hub iyo saanad militari, si loog xoojiyo dagaalka AS.

Laakiin, tan iyo markii la qaaday cunaqabata, waxaa la arkayay walaac la xiriira saameynta ka dhalan karta hubka la soo galiyo dalka ee dadka ama maamulada gacanta u galay.

Ciidamada badda ee Puntland ayaa horraantii bishan gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Sea World oo ku xirtay xeebta Bareeda ee gobolka Bari.

Markabkan, oo ka yimid Turkiga, wuxuu watay gaadiid dagaal, hub culus iyo qalab milatari. Waxaana la sheegay inuu u soo socday magaalada Muqdisho gaar ahaan xirada Turkiga ee Turksom.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay baarayaan saanada ciidan ee saaran Markabka, mana jiro ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka.

Falanqeeyayaal ayaa arrintan u arka tusaale kale oo muujinaya isku xirnaan la’aanta dowlad dhexe iyo maamul goboleedyo, gaar ahaan marka ay timaado amniga qaranka.

Dhacdada labaad waxay ka dhacday bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caabudwaaq, halkaas oo dad deegaanka ah ay qabteen laba gaari oo siday hub culus oo aan si cad loo shaacin cidda iska leh iyo halka loo waday.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmiga ah oo ay soo saartay Wasaaradda Amniga Galmudug taariikhdu markay ahayd 16-ka July 2024, hubkaasi wuxuu ahaa mid si sharci darro ah uga soo gudbay xuduudda Itoobiya, waxaana la doonayay in si qarsoodi ah loo gudbiyo gudaha dalka.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu dhex arkaayay hubkaas oo gacanta u galay dad shacab ah arrintaasi oo sii abuurtay walaac.

Hadaba maxay tahay saameynta ka dhalan karta hubka oo gacanta u gala cid aan aheyn Dowladda sharciga ee Federaalka?

Inkasta oo caalamka aqoonsan yahay Nidaamka xakameynta hubka ee dowladda Federaalka ayaa haddana waxaa jira culeysyo ka imaanaya Maamul goboleedyada iyo Maleeshiyaadka deegaanka.

Inta badan goobaha hubkaan lagu qabtay si buuxda dowladda Federaalka ugama taliso, waxaana awood ku leh Maamul goboleedyada iyo maleeshiyaadka deegaanka.

Beesha Caalamka ayaa si dhaw ula shaqeeya dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dadaaleysa in ay hanato amniga guud ee dalka, balse waxaa ay falanqeeyaasha tilmaamayaan in Nidaamka Federaalka dabrey dowladda oo aysan qaadi karin tillaabooyin hor leh.

Saameynta ka dhalan karta hubkaan ayaa ah in caalamka arko dhibaatada hubka soo galaya gudaha dalka, isagoo aan gaareyn goobihii sharciga ee loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here