Jimco 25 July 2025 {HMC} Waxaa soo dib u qarxay iska horimaadyo dhanka xuduuddda ah oo u dhexeeya dalalka Thailand iyo Cambodia.
Dhinac walba waxa uu dhinaca kale ku eedeeyay in uu bilaabay isku dhaca ugu dambeeyay iyo dagaalka. Arbacadii, Thailand waxay ku dhawaaqday inay dalkeeda ka cayrinayso safiirka Cambodia.
Sida laga soo xigtay maamulka Thailand, ugu yaraan afar iyo toban qof ayaa la dilay. Tobanaan kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay.



