Sabti 26,July 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada AS ka fuliyay wadada muhiimka ah ee isku xirta magaalada Xudur iyo deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool.
Howlgalka oo socday muddo maalmo ah ayaa ciidamadu waxa ay ku sii mareen tuulooyin ay ka mid yihiin Aboore, Banjinaay, Teed, Emed-Koorey iyo Ees-Gaab, iyagoo ugu dambeyn gaaray Qurac-joome, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo deegaanka ah oo qeyb ka ah dagaalka kadhanka ah khawaarijta.
Taliyaha guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, Gashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan, oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in ciidamada ay guulo waaweyn gaareen, islamarkaana ay fureen wadadii muhiimka ahayd ee xidhnaa muddo sanado ah.




