Faah Faahin Dagaal Xoogan oo ka socda Duleedka degmada Maxaas.

0
58

Axad 27,July 2025 {HMC}  Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso dagaal Culus oo saakay waabirigii ilaa hada ka socda degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. waxaana dagaalka udhaxeeyso Ciidamada Xaq udirirka deegaanka, kuwa xooga dalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.

 

Dagaalkan waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac leh, waxaana Maamulka degmada Maxaas uu Hiiraanweyn usheegay in ay iska difaaceeyn Al-shabaab oo ay jabiyeen khasaaro xoog lehna ay gaarsiiyeen.

 

Gudoomiyaha degmada Maxaas Mudane Ciise Waayeel ayaa Hiiraanweyn usheegay in Ciidamo ilaalo ah oo deegaanka ah iyo al-shabaab ay iska hor-yimaadeyn sidaasna uu dagaalka ku biloowday. Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in Sidoo kale Al-shabaab laga furtay Hub kala duwan, waxaana uu sheegay in lagu Celiyay Halka Saakay weerarka ay kasoo qaadeeyn.

 

dadka dagaalka ku geeriyooday saakay waxaa kamid ah Taliyihii Nabad Sugida Degmada Cadaado Korneel Maxamed Shidane iyo Ciidamo kale oo ah kuwa deegaanka. sidoo kale dadka dhawaca ah ayaa iyagane loo qaadaya Magaalada Muqdisho.

 

Xaalada degmada Maxaas iyo deegaanada kale ee hoos-yimaado ayaa kacsan. waxaana saacadahii ugu dambeeyay gaarayay gurmadyo Ciidan oo hor leh. Waxii warar ah oo kusoo kordho Dagaalka Hiiraanweyn kala soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here