Axad 27,July 2025 {HMC} Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Deegaanka ayaa Iskaga Baxay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Kadib Markii Manta Degmadaasi ay ka dhaceeyn Dagaalo Culus.
Wararkii ugu Dambeeyay ee aan ka Heleeyno Degmada Maxaas ayaa Waxaa ay Sheegayaan in Al-shabaab ay Gudaha Degmadaasi ay soo galeeyn. 15 Sano inkabadan Waa Markii ugu Horeeysay oo Maxaas Al.shabaab ay soo Galaan
Dagaalkii Manta waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac leh sida ay sheekeyn Saraakiisha Ciidamada deegaanka iyo kuwa xooga dalka Soomaaliya. inkastoo Al-shabaab looga awood roonaaday dagaalkii saakay hadane wararka waxaa ay sheegayaan in mar labaad weerar qaraxyo ku biloowdeyn ay kusoo galeeyn degmadaasi.
Waxii soo kordho Hiiraanweyn kala soco



