{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

0
39

Axad 27,July 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Itoobiya kaga qeyb-galaya Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka ayaa halkaas kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abby Ahmed.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka, waxayna hoosta ka xariiqeen mudnaanta ay leedahay in wadajir looga wada shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah jiritaanka iyo horumarka shucuubta Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here