Talaado 29, July 2025 {HMC Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal mar kale ka qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo laga maqlayo rasaas culus iyo madaafiic.
Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in tiro madaafiic ah ay ku dhaceen guryo ay deggan yihiin dadka shacabka ah iyo weliba xerada UK ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, wallow aan la weli la ogeyn.
Sidoo kale, dadka shacabka ah ayaa ka barakacaya gudaha magaalada Beledxaawo, iyaga oo gaarey deegaanno ay kamid yihiin magaalada Mandheera.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco



