4 April 2025 {HMC} Taliska saldhigga booliiska degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in si guul leh loo soo geba-gebeeyay kulan saddex biloodle ah oo lagu qabtay magaalada Moqokori, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhaxeeya shacabka iyo laamaha amniga, gaar ahaan booliiska.
Kulankan oo socday dhowr maalmood, ayaa qeyb ka ahaa qorshaha ballaaran ee lagu taageerayo nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada kaddib markii degmada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Waxaa ka soo qeyb galay madaxda maamulka degmada, saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed iyo Darawiishta, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, culimada iyo ururada bulshada rayidka ah.
Taliyaha saldhigga booliiska Moqokori, Kabtan Mohamed Ali wasuge oo la hadlay Hiiraanweyn ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid muhiimad gaar ah u leh dib u dhiska kalsoonida shacabka ee ku aaddan booliiska. Wuxuu xusay in xiriir adag oo ku dhisan wada-shaqeyn, is-faham, iyo kalsooni uu yahay aasaaska amniga waara iyo ka hortagga falalka amni-darrada.
“Kulankan wuxuu ujeedkiisu ahaa inaan ka dhigno booliisku kuwo la jaanqaada baahida bulshada, kana shaqeeya ilaalinta xuquuqdooda iyadoo la ixtiraamayo xeerarka iyo hab-raacyada sharciga ah,” ayuu yiri Taliyaha.
Qaar ka mid ah odayaasha iyo haweenka ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in kulankan uu yahay tallaabo weyn oo horseedi karta dib u dhiska nabadda, kalsoonida shacabka iyo dib u soo celinta adeegyada amni ee si hufan u shaqeynaya.
“Sanado badan ayaan ka maqneyn wax kulamo ah oo sidan oo kale ah. Waan ku faraxsanahay in hadda la nagu casuumo lana dhageysto codkeena,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka deegaanka.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee HirShabelle iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera arrimaha xasilinta iyo Booliiska ayaa lagu wadaa in ay sii xoojiyaan taageeradooda si loo dardargeliyo dib u dhiska hay’adaha amni ee heer degmo iyo sare u qaadidda ka qeybgalka bulshada ee arrimaha nabadgelyada.



