Dadka ajaaniibta oo hadda ka iibsan karaan hanti Maguurtadada ah ee Dalka Sacuudi.

0
35

Talaado 29 July 2025 {HMC} Hadda muwaadiniinta ajnabiga ah waxay awoodi doonaan inay iibsadaan hanti gudaha Sacuudi Carabiya. Ajaanibta waxay heli doonaan xuquuqda lahaanshaha hantida ma-guurtada ah ee Sacuudiga ay ka iibsadaan .

Sharcigan ayaa lagu daabacay wargeyska Umm al-Qura Jimcihii, July 25. Waxa la hirgelin doonaa sharcigan cusub 180 maalmood gudahood.

Sharcigan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Sacuudiga. Horaantii bishaan, golaha wasiirada ee Sacuudi Carabiya ayaa ansixiyay sharcigan.

Sida ku cad, shakhsiyaadka ajnabiga ah, shirkadaha, hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn iyo hay’adaha maal-gashiga ayaa loo oggolaaday inay iibsadaan ama ku yeeshaan hanti meelo cayiman oo dalka ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here