Ayatollah Ali Khamenei oo mar kale ka hadlay dagaalkii ay la galeen Israa’iil.

0
57

Talaado 29 July 2025 {HMC} Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa amaan u jeediyay hogaamiyayaashii iyo taliyayaashii militariga ee lagu dilay colaada kala dhaxeysa Israel. Waxa uu yiri,

“Waxaan rabaa in aan u tacsiyadeeyo dhammaan dadkii ina jeclaa ee naga tagay, taliyayaashayada ciidamada, saynisyahannadayada, iyo kuwa aan jecelnahay ee ku shahiiday dagaalkii dhawaan ay Israa’iil soo qaaday.

Waxa uu inta aku daray in Laba iyo tobankii maalmood ee uu socday dagaalka ay Israa’iil ku soo qaaday Iran, dadka reer Iran ay gaareen guulo waaweyn, taas oo ay maanta qireen dhammaan dadka dunidu.”

Intii uu socday dagaalka, ayuu sheegay in dadka reer Iran ay caalamka tuseen cududooda, go’aankooda, adkaysigooda iyo dulqaadkooda,”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here