Maxa Waye Fariinta Cabdirashiid Janan oo farriin u diray askartii kula dagaalmay gudaha Beledxaawo?

0
39

Khamiis  31 July 2025{HMC} Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Beledxaawo oo maalmihii la soo dhaafay ka socdeen dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Askarta Dowladda Federaalka ayaa si buuxda ula wareegay Xarunta degamda, Saldhiga ciidanka iyo Xarunta Hay’adda Socdaalka oo ay hore u haysteen Jubbaland.

Cabdirashiid Janan oo ah Madaxa Hay’adda NISA ee gobolka Gedo ayaa sheegay in cafis loo fidiyay ciidanka Jubbaland ee kula dagaalamay gudaha magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Gedo, isla markaasna bulshada aayahooda ka tashanayaan.

Dagaalka mudada tobanka maalin ka socday magaalada Beledxaawo ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dhinacda dagaalamay iyo dad rayid ah. Sidoo kale waxaa ku barakacay boqolaal ruux oo gaarey deegaannada hoos yimaada magaalada Mandheera, kuwaasi oo la qorsheynayo in ay dib u soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here