Khamiis 31 July 2025{HMC} Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa u hambalyeeyay shacabka iyo waxgaradka deegaanada SSC-Khaatumo guusha ay ka gaareen dhameystirka dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, kaas oo todobaadyadii la soo dhaafay shirka lagu dhameestiro uu ka socday magaalada Laascaanood.
Taliye Aasad oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa ku yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa shacabka iyo waxgaradka SSC dhameystirka dhisidda Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.”
Taliye Aasad, oo horey u ahaa musharrax madaxweyne ee maamulka Puntland, ayaa xusay in shacabka Puntland ay si weyn ugu faraxsan yihiin guushaas, isla markaana ay muhiim tahay in madaxda Puntland ay garab istaagaan walaalahooda SSC, si ay u noqdaan garab iyo gaashaan isugu noqdaan.
“Dadwayanaha Puntland waxay ku faraxsanyihiin Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, sidoo kale maamulka waxay masuuliyadu faraysaa inay grab istaagaan walaalahooda waxay isku noqonayaan garab iyo gaaashaan,” sida uu ku yiri qoraalka uu ku faafiyaya Facebook.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Aasad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku bogaadiyay dadaalkii xooganaa ee ay geliyeen dhismaha dowlad goboleedkaas iyo hirgelinta midnimada iyo wadajirka dalka.



