Xamaas oo sii deysay fariin gilgishay Israel.

0
51

Axad 03 August 2025 {HMC} Xamas ayaa goor dhawayd baahisay muuqaal fiidiyow ah, maxbuus Israeli ah kaasoo sheegay inuu qabrigiisa ka qodanayo godka hoose ee uu ku jiro haddii aan si dhaqso ah loo badbaadin noloshiisa

Waxa uu sheegay in raashinkii dhamaaday jirkiisana uu sii daciifayo cidda keliya ee badbaadin karta ay tahay dawladiisa oo uu hogaamiyo Netanyahu

Guutada Qassam Brigades ayaa soo saartay muuqaal maxbuus Israa’iili ah oo miisaankiisu hoos u dhacay cunto la’aan awgeed, wuxuuna ku dhawaaqay: “Maxbuusiintu waxay cunaan waxaan cunno, waxay cabbaan waxaan cabno”.

Israa’iil ayaa muddo dheer go’doomin ku soo rogtay marinka Qaza, iyadoo ka hor istaagtay in cunno iyo gargaar bini’aadannimo oo ku filan ay soo galaan aaggaas.

Carruur badan ayaa u dhintay nafaqo darro taasoo ka dhalatay siyaasadaha Israa’iil.

Siyaasadda gaajada baahsan ee Gaza ayaa sidoo kale saameysay maxaabiista Israa’iil ee halkaas lagu hayo.

Siideynta filimkan oo uu ku jiro maxbuus u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo Evyatar David, ayaa si cad u muujinaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay ka go’an tahay in uu iska caabbinta gobolka ku baabi’iyo dadka deggan Gaza.

“Ma aanan cunin maalmo, mana garanayo waxaan cuno,” ayuu yiri Evyatar David “Xaaladdayda jireed aad ayey u xun tahay, waxaana dareemayaa in la iga tagay, waxa aan hadda sameynayaa waa in aan qodo qabrigeyga oo aan maalin walba geeri ku dhawaado” ayuu intaas ku daray.

Qoyska maxbuuska ayaa ku baaqay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka reer Gaza oo uu ku jiro Evyatar, waxayna ugu baaqeen dowladda Israel, madaxweynaha Mareykanka Donald, Trump iyo beesha caalamka inay ka shaqeeyaan sidii loo sii deyn lahaa.

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay tallaabo degdeg ah la qaado, isagoo ugu baaqay caalamka inay ku biiraan baaqyada lagu sii daayo dhammaan maxaabiista.

Sida laga soo xigtay ra’yi ururintii ugu dambeysay, aqlabiyadda Israa’iiliyiinta ayaa doonaya in la soo afjaro qalalaasaha maxaabiista iyo soo noqoshada dhammaantood.

Dhamaadka dagaalka Gaza waxay u badan tahay inay la macno tahay dhamaadka nolosha siyaasadeed ee Netanyahu, waana sababta Netanyahu iyo golihiisa mayalka adag aysan dooneyn inay joojiyaan dagaalka.

Muuqaalkan ay baahisay Xamaas ayaa la filayaa inuu cadaadis iyo culuys dusha ka sii saaro raisal wasaaraha Netanyahu sidii maxaabiista loo sii dayn lahaa iyaga oo bed qaba dagaalkana la soo afjaro, tallaabadaasoo ilaa iminka ka meer meerayo

in ka badan 60,000 kun oo qof ay hadda dibad-baxayo ka wada bartamaha magaalada Tel Aviv, iyagoo dalbanaya in la gaaro heshiis lagu soo celinayo la haysteyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here