Muhaajiriin Badan oo ku Geeriyooday Xeebaha Dalka Yeman.

0
34

Isniin, 04 August 2025 {HMC}  In ka badan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay ka dib markii doon ay la socdeen ku dhawaad 150 qof oo ku degtay xeebaha dalka Yemen oo cimiladu xumayd Axaddii shalay ahayd.

Doonta ayaa ku degtay gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, waxaana la helay meydadka 68 qof, Sida u sheegay madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee ee IOM.

Wuxuu sheegay in 12 qof la soo badbaadiyay, tobanaan kalena wali la la’yahay.

Inta badan dadka la laayay ayaa la rumeysan yahay inay u dhasheen dalka Itoobiya, ayay tiri IOM oo dhacdadan ku tilmaantay mid laga xumaado.

Yemen ayaa weli marin weyn u ah muhaajiriinta ka imaanaya Geeska Afrika ee u socdaalaya dalalka Khaliijka Carabta si ay shaqo u raadsadaan, iyadoo hay’adda IOM ay ku qiyaastay boqollaal qof oo ku dhintay ama lagu la’yahay doon ku degtay bilihii la soo dhaafay.

 

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here