Kornayl Rayaale ayaa ciidamada ku ammaanay xirfaddooda sare iyo dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu jiraan la-dagaallanka kooxda AS , isagoo sidoo kale ku boorriyay inay sii xoojiyaan feejignaanta.
Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga amniga iyo horumarinta howlgalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo AS.
Kornayl Rayaale sidoo kale wuxuu booqday Isbitaalka Guud ee Jalalaqsi si uu xog-ogaal ugu noqdo caqabadaha caafimaad iyo bani’aadanimo ee heysta bulshada deegaanka, Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in la baaro fursadaha taageero oo dheeraad ah oo la siin karo dadka deegaanka, iyadoo la eegayo baahiyaha degdegga ah ee ka jira halkaas.
Booqashada Kornayl Rayaale ayaa imaneysa xilli uu socda dadaal xooggan oo wadajir ah oo lagu xasillinayo deegaannada ay saameeyeen colaadaha, iyadoo AUSSOM ay ka go’an tahay in la helo nabad waarta iyo iskaashi u dhexeeya ciidamada, maamulka iyo bulshada rayidka ah.






