Wasiirada Difaaca Ghana oo shil diyaaradeed ku dhintay.

0
34

Arbaco 6, Aug 2025 {HMC} Wasiirada difaaca iyo deegaanka ee Ghana ayaa ku dhintay shil diyaarad milatari, oo nooceedu yahay helikobtar oo ku burburtay bartamaha gobolka Ashanti iyaga iyo lix qof oo kale, sida uu sheegay afhayeenka dowladda.

Madaxa shaqaalaha Julius Debrah ayaa ka sheegay shir jaraa’id in wasiirka difaaca Edward Omane Boamah iyo wasiirka, deegaanka, sayniska iyo tiknaloojiyada Ibraahim Murtala Maxamamed oo 50 jir ahaa ay ku dhinteen shilka, taasi oo u uku tilmaamay in ay tahay ‘’musiibo qaran’’.

Goor sii horaysay, ciidamada hubaysan ee Ghana ayaa sheegay diyaarada oo siday saddex shaqaalaha diyaarada iyo shan rakaab ah ay ka raadaarka.

Waxaa ay ka soo kacday caasimada Accra, iyada ku wajahnayd magaalada dahabka laga qodo ee Obuasi oo ay kaga qayb gali lahaayeen munaasabad qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here