spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Maxay Ka Wada Hadlleen Madaxweyne Xasan Shiikh Howlgalka AUSSOM?

Maxay Ka Wada Hadlleen Madaxweyne Xasan Shiikh Howlgalka AUSSOM?

0
46

Khamiis 07 August 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AUSSOM,  Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo Saraakiisha ugu sarreysa howlgalkaasi.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, iyo Taliyaha Booliska, Hillary Sao Kanu, iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha AUSSOM iyo Danjiraha ka dhageystay warbixinno la xiriira howlgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo isbadalka Madaxa cusub ee howlgalka Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay  marxaladda kala guurka ee howlgalka AUSSOM  iyo qorshaha mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxa Howlgalka AUSSOM, Danjire Diene ayaa sheegay inuu si dhow dowladda Federaalka ugala shaqeyn doonto dagaalka AS iyo tayeynta ciidanka qalabka sida.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay dowaldda federaalka wado dagaal ka dhan ah AS, loona baahan yahay taageerada  Howlgalka AUSSOM ee dhinacyada is dhaafsiga khibradaha iyo xogaha ciidan.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhawaan Soomaaliya u soo magacaabay Danjire Elhadji oo si rasmi ah uga shaqeyn doona dib u habeynta howlgalka AUSSOM ee taageera ciidanka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here