WAR DEG DEG AH: Ciidanka Xoogga Dalka oo La wareegay Deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.

0
30

Jimco 8 Aug 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.

Inta lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa la dilay, waxaana gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawlgallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinnimada CXD, AUSSOM iyo taageerada Saaxiibada Caalamka, waxayna dib kala wadaagi doontaa faahfaahin dheeraad ah marka lasoo gabagabeeyo aruurinta xogta.

Warkan waxaa Lagu daabacay warbaahinta ku hadasho Afka Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here