spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidanka Xooga oo Shaaciyay in aay Hoolga Ku Dileen Horjoogyal AS

Ciidanka Xooga oo Shaaciyay in aay Hoolga Ku Dileen Horjoogyal AS

0
28

Axad 10,August 2025 {HMC} Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Khawaarijta ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here