Isniin , 11 August 2025 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa weerar ku dilay Suxufiyiin katirsan Teleefishinka Aljazeera kuwaas oo isugu jiray Wariyeyaal iyo muuqaal duubayaal sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Teleefishinkaas oo xogtaan lagu xaqiijiyay.
Anas Shariif, waxa uu ahaa Suxufiga Aljazeera ee xaaladda Magaalada Gaza ugu soo gudbin jiray isaga oo tagi jiray goobaha duqeymaha ka dhacaan, xeryaha ay degen yihiin dadka macluushu heyso iyo meelaha kale ee Yuhuuddu beegsato.
Dilka Anas iyo Howlwadeennadii kale ee shaqo wadaagga la ahayd waxa uu qayb ka yahay beegsiga Israa’iil ee ka dhanka ah Dadka indhaha u ah dhibbanayaasha Falastiin ee soo gudbiya saameynta taban ee ka dhalatay duullaanka iyo Go’doonka Yuhuudda saartay Gaza.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qiray in dagaalka dhinaca Warbaahinta looga adkaaday, Aljazeera ayaa si joogta ah usoo bandhigtay khasaaraha gaara dhinaca Yuhuudda, weerarrada lagu beegsado iyo tacadiga kale ee reer Gaza ka dhanka ah.
Xukuumadda Netanyahu ayaa horay u qaadday tallaabooyin ka dhan ah Teleefishinka Aljazeera si ay xirtay xarumo muhiim ah, askar si toos ah u gashay gudaha xarumahaas iyo Suxufiyiin ay ku dishay weerarro bareer ah (ula kac ah).



