Isniin , 11 August 2025 {HMC} Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa ku dagaalamaya duleedka Magaalada Balad xaawo gaar ahaan tuulada Amiin, waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo khasaara maaliyadeed oo labada dhinac soo kala gaaray.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalkaan dadka ku dhintay uu ku jiro sarkaal katirsan ciidamada dowlad-Goboleedka Jubbaland oo saacadihii lasoo dhaafay qayb ka ahaa saansaanta colaad sida ay sheegeen ilo kala duwan.
Tuulada Amiin oo ay ku dagaalamayaan ciidamadaan waxa ay dhacdaa duleedka Magaalada Balad Xaawo, waxa ay saldhig u tahay ciidanka Dowlad-Goboleedka Jubblanad ee kol hore laga saaray Magaaladaan iyaga oo difaacyo ka qotay waddooyinka gala.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa guullo ka sheegtay dagaalka, waxa ay shaaciyeen in ay qabteen qaar kamid ah ciidamadii dagaalka kala soo horjeeday, halka ay ka saareen difaacyadii ay joogeen ciidankaas sida ay hadalka u dhigeen.
Dhanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ma jiro war kasoo baxay dhankooda oo looga hadlay dagaalkaan, waxaa sidoo kale jirin warar madaxbannaan oo si dhab ah u xaqiijin kara dhimashada inta ay gaarsiisan tahay.



