Isniin , 11 August 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Janan ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay in gaadiidkooda gacafta loo yaqaan ay difaacyada ay u qodeen ciidamada DG Jubbaland oo ay ku dagaalameen duleedka Balad xaawo.
Janan ayaa sheegay in Kenya ay qaabishay dhaawacyada ciidamadii ay la dagaalameen ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland kuna daweyneyso Mandheera, arrintaas ayuu ku tilmaamay in ay dhaawac ku tahay derisnimada labada Dal sida uu yiri.
“Waxa aad aragtaan dhufeysyadii ay qoteen cadawga, waxaa qoday cagaf laga leeyahay Kenya, Ma aqbali karno in cagaf dal kale laga keeno difaac uu u qodo cadawga, Kenya waxa aan ka rabnaa in ay soo dhiibto Gaadiidka ku buufsan summadda Soomaaliya, dhowrtana derisnimada” Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).
Dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Amiin ee Duleedka Magaalada Balad Xaawo waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo khasaara maaliyadeed oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dadka deegaankaan inkasta oo aan tirakoob rasmi ah lagu sameyn.



