Isniin , 11 August 2025 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labo askari oo katirsanaa Ciidanka Xoogga oo kala ah Ex Alifle Xoogga Maxamed Xuseen Buulle & Ex Dable Xoogga Aadan Isaaq Yarow (Salaad koofi) oo horay maxkamddu ku xukuntay toogashadaan.
Labada askari ayaa lagu eedeeyay in ay miino sariirtiisa u hoos dhigeen Abaanduulihii ururka 83aad Ex Dhamme Xoogga Caydiid Maxamed Cali sida lagu sheegay fadhiyadii Maxkamadaha darajada koowaad iyo sare ee Ciidamada qalabka sida ka yeelatay kiiskooda.
Waa xukunkii labaad oo toogasho ah oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay fulisay muddo kaddib, 7dii Bishaan ayay sidaan oo kale 3 ruux oo ku eedeysan dilal waqtiyo kala duwan dhacay isla markaana xukun lagu soo riday toogatay.
Xabsiyada Muqdisho waxaa ku xiran dad loo xukumay in ay dilal geysteen, qaarkood waa ciidamo katirsan Dowladda Federaalka halka kuwa kale ay yihiin xubno la sheegay in ay katirsan yihiin ‘AS’ kuwaas oo sugaya waqtiga lagu fulinayo xukunnada ku dhacay.



