Talaado 12, Aug 2025 {HMC}Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble kadib markii ay natiijo la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadalladii kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga arrinsanayay tallaabooyinka xiga ee mucaaradku qaadi doono haddii wada-hadalladu si rasmi ah u fashilmaan.
Guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta war-saxaafadeed la filayay ayaa hakiyay kulamadoodii. Si kastaba, rajo yar ayaa laga qabaa in dhinacyadu gaaraan heshiis, maadaama khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada garab uu sii xoogeysanayo.
Kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si gaar ah iskugu haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyadoo mucaaradka ay dalbanayaan in laga laabto wax ka beddelka.
Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ka dalbaday tanaasul dhab ah oo aan leex-leexad lahayn, si ay u guuleystaan wada-hadallada loona soo gaba-gabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.
Si kastaba, is-mari waaga jira ayaa iftiiminaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee sii ballaaranaya, xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah oo isbeddelo doorasho lagu wado in dhawaan la dhaqan-geliyo.




