Talaado 12, Aug 2025 {HMC}Maamulka Somaliland, ayaa bogaadiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo sheegay in ay ka fiirsanayaan in dal madaxbannaan u aqoonsadaan maamulka Somaliland oo doonaya in Soomaaliya inteeda kale ka go’do.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay ku ammaanayaan Madaxweyne Trump go’aan qaadasgadiisa la xidhiidha inuu xoojinayo wada shaqeynta Somaliland iyo Maraykanka.
“Anigoo ku hadlaya afka Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland, waxaan halkan uga gudbinaynaa mahadnaq qoto dheer Madaxweyne Trump, oo asna bogaadinayno hoggaamintiisa aragtida dheer leh iyo go’aan qaadashadiisa ku wajahan xoojinta iskaashiga Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynuha.
Afhayeenka ayaa xusay in hadalka Madaxweyne Trump ka turjumayo sida uu u arko kaalinta Somaliland ka ciyaari karto horumarka iyo nabada Geeska Afrika. Wuxuuna yidhi “Hadalkii uu jeediyey Madaxweyne Trump 8-dii bishan Ogost 2025, wuxuu ku yaqiinsaday 34-kii sanno ee la soo dhaafay sida daacadnimada ah ee Somaliland ugu taagnayd nabadda, dimuqraaddiyadda, iyo horumarka, waxaannu hadalkiisu iftiiminayaa doorka muhiimka ah ee Somaliland ku leedahay ilaalinta xasilloonida iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika.”
Mr. Deyr waxa kaloo uu u mahadnaqay Dawladda Mareykanka oo uu ku sifeeyay bahwadaag mabda’ leh oo ay aqoonsatay guullaha ay gaadhay Somaliland. Wuxuuna tilmaamay in Maraykanku xaqiijiyay aragti wadaaga mideeya labada dal.
“Hoggaaminta Madaxweyne Trump iyo taageerada joogtada ah ee Aqalka Sare, Golaha Wakiillada, iyo Wasaaradda Difaaca ee Mareykanku waxay xoojisay xidhiidhka iskaashi iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhexeeya labadeenna shacab,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.
Ugu dambeyn afhayeenka ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland ay u heellan tahay inay mar walba dhidibada u adkayso iskaashiga istaraatajiga ah ee ay la leedahay dawladda Maraykanka, kana wada shaqeyn doonaan ammaanka, horumarka Somaliland iyo guud ahaanba mandaqada oo dhan.






