Talaado 12, Aug 2025 {HMC} Warardheeraad ah ayaa kasoo baxaya Duqeymo xoogan oo Caawa ka dhacay deegaanka Tardo ee Degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.
Duqeymahaan oo dhacay Fiidkii hore ee Caawa ayaa si gaar ah waxaa loola eegtay xubno sare oo ka tirsanaa AS kuwaas xiligaa uu u socday shir Muhiim ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow sidaan uga hadashay Duqeynta Caawa.
”’DEG DEG: Howlgal culus oo Khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare badan ayaa haatan ka socda deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo halkaas isku aruursanayay, iyo gaadiid dagaal oo ay wateen.
Goor dhow kala soco faahfaahinta howlgalka oo dhameystiran.”’






