Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Odawaa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta Kormeeray Goobaha ay Ka socdaan Howlgalada ka dhanka ah kooxda Al shabaab waxaana uu is dultaagay Taliyaha fariisimaha Ciidamada Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhwaan laga saaray Al shabaab.
Taliyaha Guutada 17 Kumaandooska Gor Gor ee XDS Gaashaanle Cali Ahmed Xaashi ayaa Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka kusoo dhaweeyay degaanka isagoona warbixin ka siiyey Jabkii Cadowga loogu geestay degaanka bariire ee Gobolka Shabelle.
Kormeerka Deegaanka Baariire intii uu socday Gen Odawa Yusuf Rage Taliyaha Ciidanka Xoogga wuxuu la hadlay askarta Xoogga Dalka iyo Ciidanka updf si uu ugu muujiyo garab istaag waxaana uu ku Bogaadiyay Guulaha ay ka gaareen Howlgalka Cashirada loogu dhigay Al shabaab.




