Madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya oo geeriyootay.

0
53

Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS) Dr Aisa kirabo kacyira ayaa shalay geeriyootay ayadoo da’deedu ahayd 61 sano.

Dr. Kacyira waxaa u magacaabay madaxa UNSOS Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres bishii Febraayo 2023, isagoo bedelay Lisa Filipetto oo u dhalatay Australia.

Waxay keentay la timid in ka badan soddon sano oo ah waayo-aragnimo ah xagga diblomaasiyadda, hoggaanka siyaasadda, gargaarka bini’aadantinimo, iyo hawlaha horumarinta ee heer maxalli, heer qaran iyo heer caalami.

Dr. Kacyira ka hor inta aysan qaban xilkeeda Soomaaliya, waxay soo noqotay safiirka Rawnda u fadhida Ghana iyo safiirka aan deganayn ee qaabilsan Benin, Togo, Sierra Leone, Côte d’Ivoire, iyo Liberia.

Shaqadeeda waxa kale oo ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Rwanda, Duqa magaalada Kigali, iyo Xubin Baarlamaan.

Waxay kaloo ahayd Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee UN-Habitat intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2018, waxayna hore uga soo shaqeysay horumarinta beeraha iyo arrimaha bini’aadantinimada ee Wasaaradda Beeraha ee Rwanda, Oxfam, iyo Care International.

Dr. Kacyira, oo u dhalatay dalka Rwanda, ayaa shahaadada Master of Veterinary Science in Animal Production iyo Economics ka qaadatay Jaamacadda James Cook ee Australia iyo Bachelor of Veterinary Medicine oo ay ka qaadatay Jaamacadda Makerere ee Uganda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here