Arbaco 13, Aug 2025 {HMC} Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa ka digay in faragelin shisheeye oo dalkiisa lagu sameeyo inta uu socdo kulanka uu Beyruut kula yeelanayo madaxa golaha amaanka ee Iran.
Booqashada Cali Larijani ayaa la doonayey in ay noqoto mid taageero loogu muujinayo kooxda ay Iiraan taageerto ee Xisbullah, taasoo uu awooddeeda hoos u dhigay dagaalkii ay Israa’iil la gashay ee dhamaaday Nofembartii kal hore.
Iiraan waxay ka hro timid qorshaha xukuumadda Lubnaan ee hubka looga dhigayo Xisbullah, laakinse madaxweyne Aoun wuxuu ku adkaysanayaa in xukkuumadiisa aysan u ogolaan doonin in kooxina ay hub qaaddo ama ay ku tiirsanaato taageero dibadeed.
Xisbullah ayaa si cad u diidday qorshaha, taasoo sare u qaadday cabsi laga qabo in rabshado dhacaan.
Galaangalka ay Iiraan u leedahay Xisbullah ayaa sidoo kale wiiqay dhicitaankii regiimkii Bashaar al Assad ee Suuriya bishii Disembar, kaasoo Iiraan ay adeegsan jirtay marin loo sii mariyo shixnadaha hubka.



