Madasha Mucaaradka oo shaacisay in natiijo la’aan kusoo dhamaadeen shirkii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Shiikh.

0
26

Khamiis 14, Aug 2025 {HMC} Xubnaha Mucaaradka Soomaaliyeed ayaa goordhaw soo saaray warmurtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, kadib kulamo wadahadal oo mudo ku dhow laba bilood ay lasoo qaateen Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Warmurtiyeedka Madasha ayaa ugu horeyn lagu sheegtay in kulamadii wadaxaajoodka aysan ka dhalan wax heshiis ah oo wax ka bedel ku sameeya xaaladda siyaasadeed, amniga iyo hanaanka doorasho ee dalka, waxaana taasoi ay ku tilmaameen fursad weyn oo lumisay rajadii shacabka Soomaaliyeed.

Madashu waxay sidoo kale ku baaqeen in dowlad goboleedyada maqan Puntland iyo Jubbaland laga qeyb geliyo wada hadalka Qaran si heshiis buuxa loga gaaro doorasho toos ah oo daah furan oo heshiis lagu wada yahay.

Warmurtiyeedka Madasha waxaa sidoo kale lagu dalbaday in 9-ka bil ee ka harsan muddo xileedka madaxweynaha xal degdeg ah laga gaaro doorasho toos ah oo qof iyo cod ah, sida ku cad heshiisyadii hore iyo in si deg deg ah loo joojiyo colaadda ay dowladda ka waddo gudaha dalka, gaar ahaan gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here