Maamulka gobolka Hiiraan oo ku Guuleystay in ay Heshiisiiyaan Labo beelood oo Colaad ka dhaxeysay.

0
59

Jimco 15 , Aug 2025 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiyaha Degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye, Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobalka hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle, Saraakiisha ciidamada Qalabka sida ee NISA iyo Xoogga dalka ayaa Goob- joog ka ahaa dhameeystirka madasha Tariikhiga ah ee lagu gaaray xalka waaro .

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa labada beel u kala wareejiyay Diyada ama (Magta)10 ruux oo ku Geeriyootay colaadii labadaasi beelood ee Walaalaha ah ku dhaxmartay, ayadoo maamulka Gobolka hiiraan uu damaanad qaaday in uu Bixinayo magta 1-qof oo ka koreeya 10-ka ruux ee labadaasi beel aay diyaddooda ku kala wareegeen.

Odayaassha dhaqanka beelaha walaalaha ah ayaa u mahadceeliyay maamulka gobolka Hiiraan Iyo ciidamada qalabka sidda doorkooga shariifka AH ee aay ka gaareen mideenta beelaha jifooyinka Aay dirirtu dhexmartay ayadoo maanta aay gaaren Xal rasmi ah.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse salaad Wehliye oo soo xeray go-gosha dib-u-heshiisinta labadaasi beel ayaa ballan qaaday in aay siii wadi doonaan howlaha dib-u-heshiisinta beelaha wada dega gobolka Hiiraan asigoo uga mahadceliyay Dhinacyada Odayaasha dhaqan-ka sida aay u qaateen doorkooda wanaagsan ee nabada.


-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here