Jimco 15 , Aug 2025 {HMC} Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington D.C. ayaa si adag uga hortimid tallaabo kasta oo lagu wiiqayo midnimada dhuleed iyo qarannimada dalka, iyadoo mar kale ku celisay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal mideysan oo leh madax-bannaani buuxda.
Qoraal rasmi ah oo safaaraddu soo saartay ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay tahay saaxiib amni oo muhiim u ah Maraykanka, isla markaana ay si dhow ula shaqeyso Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ciidamada Mareykanka si looga hortago khataraha argagixisada, gaar ahaan ISIS iyo Al-Shabaab.
Sanadkan 2025 waxay safaaradda Somaaliya ee Maraykanka sheegtay in la fuliyey in ka badan 20 hawlgal oo wadajir ah oo guul ah, taasoo muujinaysa heer iskaashi ee labada dal.
Safaaraddu waxay sheegtay in kooxaha argagixisada ay helaan fursad marka la wiiqo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayna muhiim tahay in beesha caalamka ay taageerto qaranimada Soomaaliya halkii laga abuuri lahaa kala qaybin siyaasadeed.
Qoraalkan ayaa jawaab u ah warqad uu Senatar Ted Cruz u diray Madaxweynaha Maraykanka, taas oo uu ku dalbanayo aqoonsiga Somaliland inay tahay dal madax bannaan. Dowladda Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimaduna ay tahay tiir aan la jebin karin.



