Shiinaha oo soo bandhigaya afar Gantaal cusub oo Mareykanka cabsi ku beeray,

0
30

Talaado, 18 Aug 2025 {HMC}Dowladda Shiinaha , ayaa si weyn ugu mashquulsan horumarinta hubka nuucyadiisa kala duwan gaar ahaan gantaalaha halista ah, waxa ayna Shiinaha tartan kula jirtaa dowladda Mareykanka oo iyana sameesatay gantaalo iyo maraakiib casri ah oo nuuca dagaalka ah.

Shiinaha, ayaa hadda la sheegay inuu afar gantaan oo cusub kusoo bandhigayo dhoolatus milatari oo uu qabanayo 3 bisha September, waxaana gantaaladan cusub uu Shiinaha soo bandhigayo durba cabsi ku abuuray dalalka xiisada kala dhaxeyso .

Gantaaladan cusub ee Shiinaha soo bandhigayo ayaa la sheegay in ay awood u leeyihiin inay burburiyaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka, mar horaba waxaa lagu tilmaamay in gantaaladan ay ka gudbi karaan nidaamyada difaaca, waxa ayna tani cabsi ku beeraty Mareykanka iyo dalal kale.

Hubkan cusub ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda Shiinaha ee loo yaqaan A2/AD (Anti-Access/Area Denial), taas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo maraakiibta cadowga, gaar ahaan badda koonfureed ee Shiinaha iyo hareeraha Taiwan, sida uu shaaca ka qaaday wargeyska South China Post.

Shiinaha, ayaa ku mashquulsan soo saarista gantaalo iyo diyaarado casri ah oo nuuca dagaalka ah, waxa uu sidoo kale Shiinaha mashquul ku yihiin in ay soo saaraan tiknoolajiyad casri ah oo dunidda aad ula yaabtay, waxaana Shiinaha lagu tilmaamay mid mashquul ku ah soo saarida wax aan horey loo arag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here