Faahfaahin Dad salaad ku jiray oo lagu laayay dalka Nigeria

0
33

Arboco, 20 Aug 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar burcadnimo ah oo ka dhacay gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 qof xilli ay ku jireen tukashada salaadda masaajid halkaa ku yaalla.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Gidan Mantau ee degmada Malumfashi ayaa u sheegay Warbaahinta in weerarku dhacay aroornimadii Isniinta, iyadoo 28-ka qof durba la aasay.

“Waxaan ku jirnay salaaddii markii ay rasaas nagu fureen. Waxaan aasnay 28 qof, oo uu ku jiro aabbahay,” ayuu yiri nin magaciisa la qariyay, isaga oo ooyaya isla markaana ilmada iska tiraya.

“Guriga ayey ku garaaceen [aabbaha], qol ayey ku xireen, baatrool ayey ku shubeen kadibna way gubeen.”

Qof kale ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay gubeen dumar iyo carruurta iyaga oo ku jira guryaha “islamarkaana ay afduubteen ku dhawaad 100 qof.”

Ciidanka Booliska ee Gobolka Katsina ee waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 15 qof lagu dilay weerarka.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here