Arboco, 20 Aug 2025 {HMC}Â Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Nairobi ayaa digniin dhanka amniga ah soosaartay iyada oo muwaadiniinteeda iyo Ajaanibtaba uga digtay halista ka dhalan karta weerarrada AS iyo kooxaha kale oo ay ugu yeereen in ay yihiin Argagixisada.
Qoraalka Safaaradda ayaa lagu sheegay in ay Dadka kula talineyso in ay ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka noqon kara oo ah goobaha kulanka Bulshadu ku badan tahay sida Hoteellada, Maqaaxiyada, Suuqyada, Iskuullada, Saldhigyada Booliiska iyo kuwa Cibaadada.
Safaaradda ayaa intaas ku dartay in digniin iyo bilaa digniinba ay dhici karaan weerarradaan balse loo baahan yahay in feejignaanta Muwaadiniinta & Ajaanibta kaleba ay marweliba ahaato mid aad u sarreysa sida hadalka loo dhigay.
Ujeedka weerarrada ayay Safaaraddu ku sheegtay in kooxaha fulinaya ay ku maamuusi karaan weerarro horay u dhacay sida kii safaaradda Nairobi, Suuqa Westgate Mall iyo kan Xamaas ku qaadday Israa’iil sida warka lagu yiri.
“Safaaradda waxa ay Dadka muwaadininta ah iyo ajaanibta kale ogaysiineysaa in ay dhici karaan weerarro argagixiso oo kooxaha fulinaya sida AS ay ku maamuusayaan weerarkii Safaaradda ee 7dii Agoosto, kan ka dhacay Maraykanka ee 11kii Sabteember, kii 21 Sabteembar ka dhacay Westgate Mall & weerarkii Xamaas ee Israa’iil 7dii Oktoobar” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Kenya.
Safaaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa horay usoo gudbisay digniinno la xiriira weerarro ka dhici kara Dalka Kenya, qaarkood ayaa dhacay halka qaar kale aanay dhicin waxaana kamid ah halistii ugu weyneed ay ka muujisay in weerarro dhanka diyaaradaha loo adeegsanayo uu ka dhacayo Kenya.






