Talyaaniga oo xiray Muwaadin Soomaali ah .

0
36

Jimco, 22 Aug 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka Talyaaniga ayaa la sheegay in ay xireen muwaadin Soomaaliyeed oo ku eedeysan in uu ka shaqeynayay tahriibinta dadka sida sharci darrada ku galaya dalkaas oo Soomaalida qayb ka tahay.

Sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Dowladda Talyaaniga, waxaa shakhsigaan ku socda baaris maadaama kiiskiisa keliya uu haatan yahay tuhun, dhaqdhaqaaqa uu sameeyay iyo dhaqaalaha uu helay ayaa lagu raad-joogaa.

Marka la helo caddeymo dhammeystiran ayaa loo gudbin doonnaa Maxkamad si loogu qaado xukunka ciqaabta ee ku xusan kiiska lagu eedeynayo oo Dalka Talyaaniga ka noqonaya mid sanado badan xirnaanayo haddii lagu helo.

Talyaaniga ayaa dhaqaale badan ku bixinaya sidii uu uga hortagi lahaa qulqulka soogalootiga ay qaybta ka yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaas oo doonaya in ay sii galaan dalalka kale ee Qaaradda Yurub oo ujeedka safarkoodu yahay.

Dhimasho iyo dhibaatooyin nolol ayay la kulmeen tahriibayaal u socday Talyaaniga, markii lagu soo baxay kaddib waxaa la wareystay qaar kamid ah Dadka la badbaadiyay oo si cad u sheegay in ay hagayeen dad ku sugan dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here