Jimco, 22 Aug 2025 {HMC} Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Congress-ka Dalka Maraykanka oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa garab istaagtay musharraha xarajada laga qabay in uu baratamo kursiga duqa Minneapolis.
Barteeda X ayaa Ilhaan waxa ay ku tidhi “Waa wax aan cudurdaar lahayn in laga laabto taageerada DFL ee Cumar Faatax. Koox yar, oo intooda badan ku nool meel ka baxsan Minneapolis, ayaa si gaar ah u kulantay si ay u horjoogsadaan rabitaanka Minneapolis ah oo iskood isu xilqaamay, abaabulay, oo ka qaybqaatay ololaha xisbiga maxalliga ah ee DFL. Lama aqbali karo.
Geestiisa Cumar Faatax oo hadlay ayaa yidhi: “28 ka mid ah xubnaha xisbiga ayaa si gaar ah ugu kulmay shir ay albaabadu u xidhnaayeen. waxayna u codeeyeen in ay meesha ka saaraan ansixintayada. Waxaan caddaynayaa weli halganka ayaan ku jirnaa. Waana ku guuleysan doonnaa.”
Cumar Faatax, oo 35 jir ah, waa Dimuqraaddi, hadda waxa uu mar labaad u tartamayay in uu noqdo Senator-ka gobolka Minnesota ee degmada 62aad isagoo u tartamaya inuu qabto jagada duqa xiga ee Minneapolis.
Ninkan oo ku dhashay Washington, D.C, waxa uu sheegay in uu yahay wiil ay dhaleen waaliddiin soo galooti ah oo ka yimid Soomaaliya, dhawaanna uu noqon doono aabbe.
Waxa uu shahaadada ee maamulka dadweynaha ka qaatay Jaamacadda George Mason, waxaana uu hore uga soo shaqeeyay khabiir ku takhasusay bulshada Minneapolis, iskuduwaha mashaariicda ee Waaxda Gaadiidka ee gobolka iyo falanqeeyaha ganacsiga ee Jaamacadda Minnesota.



