Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa maanta ka dhacaysa Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Waqooyi bari, waxaana u tartamaya musharrixiin muddooyinkii dambe waday olole mid weliba uu ku doonayo in uu uga adkaado kan kale.
Saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Laascaanood waxaa ka socday diyaargarow xooggan oo la xiriirta dhinaca Guddiga Doorashada, Guddoonka Kumeel-gaarka ah oo xoogga saaraya nidaamka goobta codbixinta iyo kala xod-xodashada Xildhibaannada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa goobjoog ka ah howlaha dib u dhiska maamulka cusub ee Waqooyi bari, waxa ay talooyin siinayaan guddiga farsamo iyo kan howshaas wada.
Marka la doorto guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Waqooyi bari waxa uu guddoonkaas shaacin doonnaa guddi kale oo ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulkaas sida ay sheegeen xubno kala duwan.





