spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidamada Nigeria oo shaaciyay in ay dileen xubno ka tirsanaa Boko Haram

Ciidamada Nigeria oo shaaciyay in ay dileen xubno ka tirsanaa Boko Haram

0
16

Sabti, 23 Aug 2025 {HMC} Milateriga Nigeria ayaa sheegay inay dileen laba ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda Boko Haram iyo 11 ka tirsan dagaalyahannadooda, kaddib dagaal saacado badan socday oo ka dhacay gobolka Borno.

Telefishinka Channels TV ayaa soo wariyay in Taliyaha Howlgalka Hadin Kai, Sareeye Gaas Abdulsallam Abubakar, uu magacyadooda ku sheegay Abu Nazir iyo Abu Fatima, oo uu tilmaamay inay ahaayen labada hogaamiye ee la dilay.

Wuxuu sheegay in mintidiintu isku dayeen inay weerar ku qaadaan deegaanada Bitta iyo Wulgo oo ka tirsan degmada Gwoza maalintii Jimcaha, balse lagu go’doomiyay halkaas laguna dilay 13 ka mid ahaa.

Wuxuu intaas ku daray in dagaalku uu socday saacado badan, laga bilaabo fiidnimadii Khamiista ilaa subaxnimadii Jimcaha.

Sida uu sheegay, waxaa laga qabtay hub ay ka mid yihiin lix mooto oo nooca dagaalka ah, qoryo AK-47 ah oo badan iyo xabbado fara badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here